Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay isku-deygii dil ee uu Muqdisho uga badbaaday Ugaas Axmed Saleebaan Shidde (Mahiigaan).
“Ugaas Mahiigaan oo kamid ah dhaqanka ka soo jeedaa Gobollada Waqooyi ayaa ka badbaaday shirqoolka kooxo taabacsan Maamulka Gobolada Waqooyi waxayna u geysteen dhaawacyo culus,” ayuu Wasiir Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).
“Waxaan la wadaagnay dhacdadaan hey’adaha amniga dalka si ay u baaraan kiiskan, sharcigana loo horkeeno kooxihii,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.
Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in masuul ka tirsan Sirdoonka Somaliland uu soo wacay isaga oo ku wargeliyey in maalin dambe uusan ka badbaadi doonin raggii jir-dilka u geystay, haddii uusan faraha kala bixin arrimaha Somaliland.
“Shir jaraa’id ayaan qabtay maalin ka hor, waxaan cadeeyey in dadka reer waqooyiga ah ee Muqdisho lagu leynayo ay ka dambeeyaan Muuse Biixi iyo ina Kaahin, ragga isoo weeraray taasbey ka duulayeen, xalayna waaba la ii cadeeyey oo waxaa la iga soo wacay Hargeysa,” ayuu yiri Ugaas Mahiigaan.
Ugaaskaan ayaa sheegay inuu qabo dhaawacyo daran oo dowladda Soomaaliya ama qabiil kale uusan u geysan, balse Muuse Biixi uu soo abaabulay, “waxaana beegsanaya Muuse Biixi oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri.