Home Wararka Maanta Gudoomiyihii Maxkamaddii xukuntay dilka Jeneraladii uu ka midka ahaa Salaad Gabayre oo...

Gudoomiyihii Maxkamaddii xukuntay dilka Jeneraladii uu ka midka ahaa Salaad Gabayre oo geeriyooday

0

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u raxmadee Gudoomiyihii hore ee Maxkamadii Badbaadada dalka, S/Guuto Maxamuud Geelle Yuusuf sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxamed Turunji oo ka mid ah guddiga aaskiisa loo xilsaaray, muddo dheerna la soo shaqeeyey marxuumka.

Jeneraal Maxamuud Geelle wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee loo magacaabay Maxkamadii Badbaada Dalka oo ahayd Maxkamad si gaara u qaadi jirtay dacwada dadka lagu eedeeyo “kacaan diidka”.

Waxay kaloo maxkamadaas qaadi jirtay dacwadaha dilka la xiriira, musuqmaasuqa iyo xukunnada lagu rido dadka ka soo horjeeda dawladdii dalka ka jirtay.

Wuxuu ahaa gudoomiyihii Maxkamadda Badbaada Dalka sanadkii 1972-dii ilaa uu dalka galay xaaladii burburka sanadkii 1990-kii

Ad
Previous articleMid kamid ah Daafacyadii Galmudug oo Geeroyooday Xili Ay Cadaado Koobka Gayn Rabeen
Next articleMaxay gabadhaan Ingiriiska ku kortay u doorbiday inay aroos ku gasho miyiga Soomaaliya?