Dowladda Turkiga ayaa joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd, sida ay ogaatay Mudug24.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa qorshuhu ahaa marka uu tago Turkiga uu halkaasi kula kulmo masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, balse waa la joojiyay hadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda ka dhalatey heshiiskii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixtay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa dhawaan taageero xooggan u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland, ee sida weyn uga careysiiyey shacabka Soomaaliya.
Heshiiskaasi is-afgarad ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi, inkasta oo Itoobiya ay weli dhankeeda xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.
Turkiga ayaa kamid noqday dalalka saaxadda siyaasadda caalamka saameynta xooggan ku leh ee diiday heshiiskaasi. Waxaa horey heshiiska uga horyimid Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka.