Home Wararka Maanta Masar oo Wacad ku Martay inay Soomaliya Garab ka Siinayso Bada ay...

Masar oo Wacad ku Martay inay Soomaliya Garab ka Siinayso Bada ay kusoo Duushay itoobiya

0

Madaxweynaha dalka Masar, Abdul Fattah al-Sisi, ayaa ballan qaaday in dalkiisu taageerayo Soomaaliya, iyadoo uu taaganyahay khilaafka ka dhashay heshiiska is-afgarad ee u dhaxeeya jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya.

Wada hadal uu xalay Khadka telefoonka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa mr al-Sisi waxaa uu uu yiri: “Masar waxay garab istaag u muujinaysaa amniga iyo xasiloonida Soomaaliya”, sida uu sheegay afhayeenka al-Sisi, Axmed Famy.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray, in labada hogaamiye ay sidoo kale ka wada hadleen, arrimo la xirriira “horumarka gobolka” iyo xiriirka laba geesoodka ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khadka telefoonka kula hadlay, Amiirka dalka Qadar, Tamim bin Hamad, kaas oo ay ka wada hadleen xiriirka laba dal iyo arrimo danaha labada dhinac khuseeya, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaliya.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay heshiiska is-afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya iyagoo ku booriyay in la ixtiraamo “midnimada, qarannimada, xuduudaha iyo dhulka Soomaaliya”.

“Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika oo dhan,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Midowga Yurub.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Shir Deg Deg ah Xalay la Qaatay Golaha Wadatashi Qaran Maxaa kasoo Baxay?
Next articleBanaanbax Wayn oo ka Dhacay Maantay Magaalada Muqdisho(Sawiro)