Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: DEG DEG: Itoobiya oo ku dhowaaqday in ay...

War Deg Deg ah: DEG DEG: Itoobiya oo ku dhowaaqday in ay aqoonsanayso Somaliland

0

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhowaaqday go’aan kale oo sii hurinaya xiisadda haatan ka dhalatay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan magaalada Addis Ababa kula gashay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi, kaas oo ay si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Itoobiya Mesganu Arga ayaa xaqiijiyay warka ku aadan aqoonsiga Somaliland, kadib heshiiskii ay kula galeen Addis Ababa.

Mesganu Arga ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay Somaliland siinayso aqoonsi buuxa, isla markaana uu kamid yahay qodobada heshiiska ay wada galeen labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabada koowaad ee Itoobiya qaadeyso kadib heshiiska uu noqonayo aqoonsiga, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan kasoo yeeray Itoobiya ayaa waxa uu sii xoojinayaa midkii Muuse Biixi Cabdi oo horay u sheegay in badda ay siiyeen Itoobiya ay ku bedasheen aqoonsiga Somaliland.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay Baarlamaanka, isagoo si kulul uga hadlay heshiiskaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aysan jirin cid awood u leh in Soomaaliya cad kamid ah ay bixiso, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska shalay lagu gaaray Addis Ababa.

“Cid awood u leh in Soomaaliya cad ka mid ah inay bixiso awoowayaasheena iyo aabayaashheena ayaa diiday anaga inta aan nooleyn ayaan diiday, waxa ka dhacay Addis Ababa 1 Janaayo 2024 sinaba dhaqan gal kuma noqon karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu Abiy Axmed uga digay heshiiska uu la galay madaxweyne Muuse Biixi, “Federaal ha joogo ama maamul goboleed ha joogo qof taako ka mid ah Soomaaliya idin siin karo ma jiro, ee haku kadsoomina.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Soomaali Soomaali baa leh waana u dhimaneynaa waana difaaceynaa.”

Xiriirka labada dal ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad u xoogganaa, waxayna Itoobiya saaxiib dhow la aheyd xukuumaddihii dalka isaga kala dambeeyay tan iyo sanadkii 2004-tii.

Ad
Previous articleHaweeneey Ka Tirsanayd Haweenka Nadaafada Gobalka Banaadir oo la Dilay iyo Ninkii Dilay oo la Qabtay
Next articleXasan Shiikh oo Shir Deg Deg ah Xalay la Qaatay Golaha Wadatashi Qaran Maxaa kasoo Baxay?