Home Wararka Maanta Gormee ayuu dhaqan galaayaa Heshiiska Itoobiya La Gashay Soomaaliland ee Badeena?

Gormee ayuu dhaqan galaayaa Heshiiska Itoobiya La Gashay Soomaaliland ee Badeena?

0

La taliyaha amniga qaranka Raysal Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa sheegay in Somaliland saami laga siinayo shirkadda Ethiopia-Telecom ama Ethiopian Airlines.

Arrinkan ayaa qayb ka ah heshiiskii ay labada dhinac ku kala saxiixdeen magaalada Addis ababa ee Xarunta waddanka Itoobiya.

Sida uu sheegay la taliyaha amniga Qaranka ee Raisal Wasaaraha dalka Itoobiya Amb. Ridwaan Xuseen, Itoobiya iyo Somaliland ayaa bil gudaheed ku dhaqan gelin doona heshiiskii ay shalay wada galeen kaasoo dalka Itoobiya u ogolaanayey inay wax ku yeelato xeebaha Badda cas.

La taliye Ridwaan oo goordhaweyd saxaafadda kula hadlay magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in Itoobiya Somaliland ka taageeri doonto dhinaca ganacsiga iyo kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa.

Raysal wasaaraha, oo heshiiska is af-garad caasimadda Itoobiya kula saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa bartiisa X kusoo qoray in “dhammaan waxa la dhihi karo ay uun tahay mahadsanid Allah”.

Mar uu ka hadlayay halka heshiiska lagu kala saxiixday, ayuu Madaxweyne Muuse sheegay in heshiiskan ay ku jirto qeyb qeexeysa in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsan doonto dal madax bannaan mustaqbalka.

Dowlada Somalia oo heshiiskan u aragta xad qudub qaawan oo lagu sameeyey madax banaanideeda dhuleed ayaa u yeeratay safiirkii ka fadhiyey Itoobiya

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSomaliland oo Eedayn Culus u jeedisay Wasiir Fiqi
Next articleHaweeneey Ka Tirsanayd Haweenka Nadaafada Gobalka Banaadir oo la Dilay iyo Ninkii Dilay oo la Qabtay