Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa si kulul u cambaareeyey heshiiska ay Addis-Ababa ku saxiixdeen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
“Dowladda Soomaaliyeedna go’aano cad cad ayey si deg deg oga soo saari doonta. Shacabka Soomaaliyeedna waxaa laga doonayaa in ay dowladooda garab istaagan, una midoobaan difaaca dalkooda iyo dadkooda,” ayuu ku daray Guuleed.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta kulan ka yeeshaan arrintan, halka madaxweyne Xasan Sheekh la filayo inuu la hadlo xildhibaanada Golaha Shacabka.
Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.
Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.