Home Wararka Maanta Maxay yihiin ciidamada soo galay Garowe iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladda...

Maxay yihiin ciidamada soo galay Garowe iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladda sii cakiranto?

0

Xaaladda Puntland ee la xiriirta doorashada khilaafka hareeyay ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii musharraxiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynimada Puntland ay gaashaanka u daruureen inaysan liiska Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland aqoonsanayn.

Musharaxiinta mucaaradka oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa waxay been abuur ku tilmaameen liiska soo baxay, iyaga oo isla markaana sheegay in xulista xildhibaannada aysan marin habraacyadii rasmiga ahaa, ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbin araajidii saxda aheyd.

“Musharaxiinta waxay shacabka Puntland u cadeynayaan in aysan aqoonsaneyn liiska baalmarsan habraacii lagu soo xuli jiray xubnaha Golaha Wakiillada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay musharaxiinta mucaaradka Puntland.

Xasan Shire Abgaal oo ka mid ah musharraxiinta qaaddacay liiska xildhibaannada cusub oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in bayaankooda diiradda lagu saaray go’aankii Madaxaweyne Deni.

“Wuxuu bayaankan daba socday wixii uu xalay sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaanayo Siciid Cabdullaahi Deni guddigii uu magacaabay inuu liis u keeno isagu wato oo uu ka booday liiska isimada uu boqorka ku jiro marka dhibaatadaas uu sameeyay ayaa laga digayay oo aan sidaas doorasho lagu geli karin,” ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.

“Xasan oo BBC-du weydiisay sida ay ku xaqiijiyeen in madaxweyne Deni uu la yimaaday liis aan ahayn liiskii ay isimada gugbiyeen ayaa yiri: Waxaan ku xaqiijinnay waa tan koowaade guddoomiyihii guddiga oo diiday inuu waxaas saxiixo oo ka baxay ka dib markii shir jeraa’id uu qabtay, tan kale waxaa saxiixooda la tuuray Boqorka iyo Beeldaajaha waxaa kaloo saxiixiisa la tuuray Suldaanka, lama tirin karo inta isin oo Garowe jooga oo soo jireen ah saxiixooda Siciid tuuray.”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in doorasho aan la isla ogeyn aysan dhaceyn sidoo kalana qof isinkiisu qeylinaya oo dhahaya aniga ma keenina dhaartiisu waxba taraynin.

“Ma dhaceyso doorasho aan la iska oggoleyn oo horay baanu u sheegnay haddaan sheegeynaa mana dhici doonto, qofka keligiis wuxuu damcana Puntland ka dhici mayso.”

Maxay yihiin ciidamada magaalada Garowe soo galay?

Xasan Shire oo ka jawaabaya su’aashaas oo ay BBC-du weydiisay ayaa sheegay in ciidanka magaalada Garowe soo galay ay yihiin ciidamada dowladda oo diiddan go’aanka Deni.

“Sideeduba dhammaan ciidankii dowladda oo dhan baa waxaa diiddan oo ma sameeynayaan hal qof waxa uu rabo mana jiraan ciidan kale oo dibadda kaga yimid waxaana kuu sheegayaa in ciidamadan yihiin ciidamada dowladda oo saluugsan waxa Deni wado,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in ciidamada mucaaradku wato ay yihiin kuwa dowladda oo aysan jirin ciidan kale xitaa kuwa isaga la socdo.

Waxaan isku daynay dhanka dowladda inaan ka helno jawaab la xiriirta arrinta balse wax jawaab ah kama aanan helin.

Dhanka kale madaxweyne Siciid Cabdullaahi deni ayaa soo dhaweeyay dhaarinta xildhibaannada cusub oo muran xooggan ka taagan yahay.

Deni oo qoraal kooban soo saaray ayaa ugu horeyntii wuxuu hambalyeeyay xildhibaannada cusub, “Waxaan u hambalyeeynayaa xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey.”

“Allah waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen, Anigoo u rajeynayaa in ay waajibaadkooda si dhakhso ah u gutaan sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxtooyada. Hambalyo,” ayuu Deni ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleAlshabaab qaraxyo Watay oo lagu Qabtay koonfurta Gobalka Mudug(Sawiro)
Next articleMuuse Biixi oo Heshiis Dadka Soomaaliyeed ka Naxeen Dowlada Itoobiya