Culimada Ahlu Sunna Wajamaaca, garabka Koonfur Galbeed oo Jimcihii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Bayaan kasoo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Ahlu Sunna ay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dagaalkaaas, ayna hoggaamin doonto howlgallada xoreynta ee Koonfur Galbeed.
“Qodobada war-murtiyeedka waxaa kamid ah in Ahlu Sunna Waljamaaca ay dowladda Soomaaliya ku garab taagan tahay la dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri.
“Waxay soo saareen culimada Ahlu Sunna Wajamaaca ee deegaanada Koonfur Galbeed in loo midoobaa la dagaallanka argagixisada” ayaa lagu yiri bayaanka Ahlu Sunna
Ugu dambeyn Ahlu Sunna ayaa ka dalbatay dowladda dhexe inay ku garab istaagto halganka ay rabto inay wax uga xoreyso deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Waa inay wasaaradda awqaafta ay si buuxda u garab istaagtaa culimaa u diinka Ahlu Wajamaaca fikirkooda” ayaa mar kale lagu yiri war murtiyeedka.
Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo Koonfur Galbeed, waxaana soconaya diyaar garowgii ugu dambeeyay.