Suldaanka beesha Saleebaan ee Habargidir Suldaan Mowliid Sheekh Jaamac ayaa ka hadlay dilkii magaalada Dhuusamareeb loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeday beesha reer Xaaji Saleebaan.
Maalmo ka hor ayaa deegaankaas lagu dilay labo nin oo ka soo jeeday beesha Cayr, dilkaas ayaa la aaminsan yahay inuu sababay dilkii ka dhacay gudaha Dhuusamareeb, inkastoo aan lasoo qaban raggii geystay dilka, kuwaas oo gaari uga baxsaday goobta.
“Dowladda iyo maamulka caasimada waxaa laga rabaa in raggii dadkaan dilay ay soo qabtaan, mid mid ayaa loo yaqaan, dadkaa waa inay cadaaladda maraan, ragaan la dilay waxay ahayeen masaakiin aan weligood cidna dulmin,” ayuu yiri Suldaanka Saleebaan.
Suldaanka ayaa farriin u diray dadka kale ee ka soo jeeda beesha Saleebaan isagoo yiri “Ragga aan maanta aasnay waa ahlu jano, kii dilay isaga ayaa dhib qaba ee yaan loogu aarin dadka idin dhex jooga, ha idinka nabad galaan walaalihiin, dadku waa walaalo, waana islaam, waxaan idinka codsanayaan inaan la fududaan.”