Home Wararka Maanta Odayaasha Koonfurgalbeed oo Sameeyey Balanqaad Ka Farxiyay Xasan shiikh

Odayaasha Koonfurgalbeed oo Sameeyey Balanqaad Ka Farxiyay Xasan shiikh

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa xalay kala hadlay waxgaradka iyo dubabka dhaqanka Koonfur-galbeed qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo argagaxisada Al-Shabaab ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay nolasha iyo nafiska ay dareemayaan dadka deegannada laga xoreeyey argagixisada ee HirShabeelle iyo Galmudug ay dhiiri-gelkin u tahay in la xoreeyo deegaano cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in abaabulka dadweynaha, wacyigelinta dhibaatada argagixisada iyo adkeynta midnimada bulsho ay aas-aas u tahay wajiga labaad ee halganka xoreynta dalka, taas oo ay doorka ugu weyn ku leeyihiin waxgaradka, odeyaasha dhaqanka iyo Hay’adaha dowladeed ee Konfur-galbeed.

Dhankooda, Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey in ay ku garab taagan yihiin Madaxweynaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku ammaanay ka go’anaanshihiisa ku aaddan Soomaaliya nabad ah oo xor ka ah argagixisada.

Sidoo kale, Duubabka dhaqanka Koonfur-galbeed waxay soo bandhigeen in ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan sidii uu miro-dhal unoqon lahaa wajiga Labaad ee halganka xoreynta, maadaama dadka Koonfur-galbeed ay u hanqal taagayaan in ay iska xoreeyaan argagixisada.

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”

Wararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee
Ad
Previous articleAl-Shabaab oo jawaab ka bixisay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ee ahaa inay qasab tahay in dalkiisa uu helo deked.
Next articleXiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo muuqaal qiiro leh soo duubay ugana hadlay xasuuqa ay Yuhuudda ku hayso Falastiiniyiinta