Home Wararka Maanta Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Maantay ka Shiraaya Xaalada Soomaaliya...

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Maantay ka Shiraaya Xaalada Soomaaliya iyo Ciidamada ATMIS

0

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay kulan ka yeeshaan xaaladda guud ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacaya xarunta guud ee golaha oo ku taalla magaalada New York.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaan arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya oo ay ugu horreyaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha siyaasadda ee ka taagan gudaha dalka..

Golaha ayaa la fialayaa inay warbixino ka dhageystaan wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing iyo ergeyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika Mohamed El-Amine Souef oo sidoo kale ah madaxa ATMIS.

Labada mas’uul ayaa warbixinadooda uga hadli doono xaaladda Soomaaliya, si ay golaha ula wadaagaan arrimihii ugu dambeeyay ee soo kordhay iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Ergeyga QM ee Soomaaliya Laing ayaa warbixinteeda ku eegi doonta fulinta arrimaha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, sida horumarinta dib u heshiisiinta qaranka iyo xoojinta nidaamka federaalka.

Waxaa kale oo ay eegi doontaa wanaajinta xiriirka dowladda iyo maamul goboleedyada, xoojinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, dhammeystirka hannaanka dib u eegista dastuurka iyo dib u habeynta garsoorka iyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimo.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay soo hadal qaado arrimo ku aadan go’aanadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaran oo dhacay 26-kii iyo 27-kii August, kaas oo ay goluhu ku go’aamiyeen in la mideeyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab,

Mohamed El-Amine Souef ayaa dhankiisa lagu wadaa inuu golaha la wadaago faahfaahin ku aadan dalabka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in muddo 90 cisho ah la hakiyo dhimista 3,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka ATMIS, codsigaas oo ay dowladda u gudbisay golaha.

Shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana Soomaaliya ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”

Wararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee
Ad
Previous articleWiil Soomaali ah oo shidaal isku shubay kadibna dab isku qabadsiisay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus kadib markii….
Next articleAl-Shabaab oo jawaab ka bixisay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ee ahaa inay qasab tahay in dalkiisa uu helo deked.