Midowga Afrika ayaa taageeray codsigi ay Soomaaliya u dirtay QM ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo yareynta ciidamada ATMIS ee Soomaaliya, xilli ay jiraan dib u dhacyo militari.
War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in ATMIS ay si xooggan u taageereyso codsiga ah in la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari.
Bayaanka ayaa hoosta looga xariiqay in Midowga Afrika “uu ku garab taagan yahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya hammigooda ku aadan nabad waarta, amni, xasillooni iyo barwaaqo, taasi oo faa’iido u leh gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. “
Inkasta oo ATMIS iyo Golaha Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika ay go’aansadeen hakinta bixitaanka, waxaa go’aanka kama dambeysta ah leh golaha guud ee ururka iyo xubnaha kale ee beesha caalamka ee taageerada maaliyadeed siiya Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS.
Codsiga Muqdisho ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dhashay baahida adag ee loo qabo in wax laga qabto caqabadaha waaweyn iyo saamaynta “qoto dheer” ee ku aaddan isbeddelka amniga ee Soomaaliya.
Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya waa howlgal uu ansixiyey Midowga Afrika, islamarkaana sharciyeeyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna jiray tan iyo 2007. Waxaa horey loogu yaqiin AMISOM.