Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aways oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaan maamullada Galmudug iyo HirShabelle.
Wasiirka ayaa xusay in ciidamadu ay beegsadeen dhul howd ah oo ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab, isla-markaana ay ku dileen in ka badan 100 Al-Shabaab ah.
“In ka badan 100 meydadkooda ah ayay Khawaarijta ka qaadeen goobta dagaalka, iyaga oo ku daad gureeyay illaa saddex gaari, waxayna markiiba bilaabeen inay ka cararaan meydad kale oo intaas ka badan oo weli goobta daadsan” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aways.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamada huwanta ah ay cagta mariyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi oo ay ugu talagaleen inay muddo sii joogaan.
“Hub iyo saanad kale ayaa sidoo kale halkaasi looga burburiyay cadowga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.
Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in weli howlgal sifeyn ah uu ka socdo aagga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, isla-markaana ay halkaas weli ku go’doonsan yihiin xubno ka mid ah Al-Shabaab oo kasoo tallaabay dhanka jinka wabiga Shabelle.
Si kastaba, Galmudug iyo HirShabelle ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn kasoo hooyeen ciidanka huwanta.