Home Wararka Maanta Dawladda Soomaaliya oo beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab(Xog)

Dawladda Soomaaliya oo beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab(Xog)

0

Dawladda Soomaaliya ayaa beddeshay xeeladdii dagaalka ka dhanka ah ururka al-Shabaab, sidaasi waxaa idaacadda VOA u sheegay saraakiil sare oo ka mid ah dawladda oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay warbaahinta la hadlaan.

Beddelka xeeladda dagaal ayaa ka dambaysay weerarkii 26-kii bishii hore al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiggii ciidamada dawladda ee tuulada Cawsweyne.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka Cawsweyne, hase yeeshee saraakiisha amniga ee la hadashay VOA waxay aamin yihiin in lagu dilay tobannaan, lagu dhaawacay in ka badan 160, halka qaarna la la’yahay.

Xeeladda cusub ee hadda dawladdu qaadatay ayaa ah mid hawlgallada ay hoggaaminayaan dadka iyo ciidamada deegaanka, halka ciidamada dawladda federaalkuna ay kaalmayn doonaan, sida ay sheegeen saraakiishu.

Dawladda ayaa horey ciidamada deegaanka usiin jirtay hub iyo in dhaawacooda la qaado. Qorshaha cusub ayaa taas ku kordhinaya in gunno ay qoysaskooda ku biishaan la siiyo ciidamada deegaanka inta ay hawlgallada ku jiraan.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabaddsugida Qaranka ee NISA ayaa loo xilsaaray diiwaangelinta iyo shaandhaynta ciidamada deegaanka, iyadoo qorshaha muddada fog uu yahay in la qarameeyo, sida ay sheegeen saraakiisha la hadashay VOA.

Taliyihii hore ee hay’dda NISA Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ah saraakiisha dawladda ka caawinaysa abaabulka dadka degaanka ayaa VOA u xaqiijiyey isbeddelka xeesha.

Waxa uu sheegay in qorsha cusub yahay in dadka degaanku ay hoggaamiyaan dagaalka, taasi oo la mid ah dibna ugu noqonaysa qorshihii al-Shabaab looga saaray inta badan gobolka Hiiraan iyo Shabellada Dhexe – laga soo billaabo bishii Ogosto ee sannadkii hore.

Source VOA.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleAlshabaab oo soo bandhigay Askari ka Tirsan ATMIS oo nool iyo Dalab u Dirsaday
Next articleQoor Qoor iyo ku Xigeenkiisa oo khilaaf Xoogan ka Dhex Qarxay Xili Galmudug Dagaal Ka Dhan ah Alshabaab Kasocdo