Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo uu la socdo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa gaarey deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo dhawaan ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya xooggaga deegaanka ay ka xoreeyeen Kooxda Alshabaab.
Goobaha ay tageen Madaxwayne QoorQoor iyo Wasiirka Difaaca ayaa ah goobo intooda badan ciidamadu ay ku gaareen howlgalka dhammaytirka wajiga koowaad ee Galmudug lagu xoreynayo kuwaa oo guulo isdaba-joog ah laga gaarayo maalinba maalinta xigta.
Qoor Qoor ayaa Daraad ka Baxay Dhuusamareeb asagoo Safar Dhulka ah ku Maray Guriceel Halka uu Haatan ku Suganyahay Qoor Qoor ayaa Waxaa horay uqabsaday Ciidamada Beesha Cayr kuwaas oo Wali kusugan Goobo ay Alshabaab ka Saareen.
Tagista Qoor Qoor ayaa ah in ciidamadaan iyo Ciidamo asaga lasocdo ay Horay usii Dhaqaqaan Degmada Ceelbuur oo Ay kasoo baxeen Ciidamadii Dowlada ee jimcihiii Qabsaday kasoo Bixitaanka Ciidamadaas ayaa waxaa keenay Kadib Markii Alshabab Dib u Qabsadeen Degmada Wabxo.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Shiikh aya la Filayaa inuu kasoo Guuro Dhuusamareeb una soodago Maxaas Hasa ahaatee Qoor Qoor iyo mahad Salaad ayaa Ku Dadalaaya inay Madaxweyne Xasan Shiikh ku Qanciyaan inuu Dhuusmareeb sii joogo islamarkaasna ay dhaqaajinayaan ciidamada dowlada iyo kuwa beelaha Galmudug.
Qoor Qoor iyo Mahad salaad ayaana Balan Qaaday inay Dhaqaajin Doonaan Ciidamada Beelaha iyo Kuwa Galmudug si Alshabaab looga Saaro Galmudug.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa tan iyo Shalay wadahadal kula jiray Calijayte iyo Ugaaska Beesha xawaadle oo uu kacodsaday inay Diyaargaroobaan oo dagaalka ka qaybgalaan wixii tabasha ahna uu ka xalin doono.