Home Wararka Maanta Go,aano ay ku Farxeen Mucaaradka Soomaalind oo kasoo Yeeray Guddiga Dhexdhexaadinta Soomaaliland

Go,aano ay ku Farxeen Mucaaradka Soomaalind oo kasoo Yeeray Guddiga Dhexdhexaadinta Soomaaliland

0

Guddiga dhex-dhexaadinya ee ay hoggaaminayeen odayaasha dhaqanka ee u istaagay xal u raadinta Somaliland ayaa soo saaray go’aanno culus iyo talooyin guud oo ku aadan doorashooyinka kusoo foodka leh maamulkaasi.

Eregada dhex-dhexaadinta ayaa go’aamiyay in la isku sidko doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada, oo ay haatan isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.

Go’aankan ayaa waxaa durbo soo dhaweeyay xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan Cabdiraxaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Cirro oo ah musharraxa xisbiga Waddani ayaa shaaca ka qaaday inay aqbaleen go’aannada ay soo saareen ergada ee lagu jiheynayo doorashooyinka Somaliland.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca xisbiga Waddani dhamaantii waxaan halkan ka caddaynayaa in aanu aqbalay go’aannadii ay xalay soo saareen ergada dhexdhexaadinta waday ee beelwaynta Habar-jeclo” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu weerarka afka ah ku qaaday madaxweynaha, isaga oo tilmaamay in uusan xoog ku heysan karin xukunka, ayna ka sugayaan in doorashada uu dhexda dhigo.

Waxaa kale oo uu farriin u diray xubnaha Golaha Guurtida iyo kuwa Wakiilada, isaga oo ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan doorashada Somaliland.

“Xisbi ahaan waxaanu ku adkaynaynaa Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada, in la dhamaystiro dhamaan qabyooyinka sharci, dalka nina xoog kuma haysan karo, nin kalena qori caaradii ku iman karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Dhankiisa guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray go’aannada kasoo baxay guddiga dhex-dhexaadinta ee u istaagay khilaafka siyaasadeed ee Somaliland

“Hadaanunahay xisbiga cadaalada iyo daryeelka, waxaanu doonaynaa in aanu idin ogaysiino in aanu soo dhawaynay go’aankii guddida, anaga kiniin qadhaaq ayuu nagu ahaa, lakiin waxa la yidhi hadii shaadhkaaga lagugu qabsado waa laga gar baxaa” ayuu yiri.

Si kastaba, waxaa haatan laga dhowrayaa jawaabta xukuumadda madaxweyne Biixi iyo xisbigiisa Kulmiye ee ku aadan go’aannadaas laga soo saaray doorashada Somaliland.
Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Ciidamada Ka Dagaalamaaya Galmudug Ku Wareejiyay Geel(Sawiro)
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Ka Dhacay Marka