Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Ciidamada Ka Dagaalamaaya Galmudug Ku Wareejiyay Geel(Sawiro)

Gudoomiye Madaale oo Ciidamada Ka Dagaalamaaya Galmudug Ku Wareejiyay Geel(Sawiro)

0

Guddoomiyaha gobolka BanaadirYuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta  taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay toban halaad oo Geel, ah oo loogu talagalay ciidamada geesiyaasha qaranka ee ku sugan furinta dagaalka.

Munaasabadan ciidanka xoogga dalka lagula wareejiyay geela uu ku deeqay duqa magaalada Muqdisho ayaa ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, gaar ahaan saldhigga ciidanka xoogga qeybta 21-aad.

Goobta uu duqa Muqdisho Mudane Madaale ku wareejinayay tobanka Halaad ee Geel-ka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa  wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Taliyaha qeybta booliiska, guddoomiyaha gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in had iyo jeer uu garab taagan yahay ciidamada qalabka ee ku howlan ciribtirka kooxda Al Shabaab.

Ad
Previous articleMid kamid ah Wasiiradii Nabad iyo Nolol oo Tageero layaab leh u Muujiyay Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleGo,aano ay ku Farxeen Mucaaradka Soomaalind oo kasoo Yeeray Guddiga Dhexdhexaadinta Soomaaliland