Home Wararka Maanta Sidee ugu suura gashay ciidamada SSC in ay bilooyinka kadib saaka la...

Sidee ugu suura gashay ciidamada SSC in ay bilooyinka kadib saaka la wareegeen xerada Goojacadde?

0

Jamhuuriyada iskeed-madaxbanaanida ugu dhawaqday ee Somaliland ayaa sheegtay in ciidanka Soomaliland ay wadaan diyaargarow ay dib uga ala wareegayaaan fariisimihii ay ku lahaayeen Sool oo ay uga soo baxeen istiraatiijiyad ciidan awgeed, sida ay sheegeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliland ayaa lagu yiri, “Ciidanka Qaranku waxay ku jiraan dib-isku-habayn iyo diyaargaroow culus oo cadowga lagaga hortagayo.”

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan ciidamo ka lumay waddooyinkii loogu tala galay welina aan soo gaarin goobihi loogu talagalay.

Sidee ku galeen ciidamada SSC xerada Goojacade?

Salaada subax horteed ayaa ciidmada SSC rasaas ka dhex bilaabeen ciidamada Somaliland ee ku sugnaa aagga Maraaga oo magaalada laascaanood dhinaca bari ka xigta, wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood.

Sida uu ii sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka goobta galay oo codsaday inaan magiciisa la shaacin waxaa uu sheegay in qaab xeeladaysan ay ciidanka halkaas ku sugnaa ula dagaalameen.

“Waxay haleeli waayeen in ay fuulaan gaadiidka qoryuhu saaran yihiin, mid waliba halkii ku beegnayd ayuu u dhaqaaqay” ayuu yiri isagoo intaas ku daray in wax ka yar 45 daqiiqo ay kula wareegeen goobtaasi.

Goobtan oo ah halka laga illaaliyo Goojacade oo ah taliska guud ee ciidamada Somaliland oo halkaasi u jira wax ka yar 2KM.

waxaa uu dagaalka goojacade u gudbay markii ay saacadu ahayd 8:45 daqiiqo xilliga Soomaaliya, halkaasi oo ay islamarkiiba la wareegeen.

Saraakiisha SSC ayaa waxay sheegeen in aysan marnaba ku riyoon in ay si fudud ula wareegi doonaan saldhigga Goojacade oo muddo dhowr bilood ah ay gaari waayeen.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo War layaab leh kasoo Saartay Dagaalkii looga Qabsaday Goojacade
Next articleNISA oo Cagta Marisay Maxkamadii Alshabaab ee Duleedka Muqdisho