Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug in argagaxisada khawaarijta laga xoreeyay degmada qaddiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamadda xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ee soo hooyay guusha taariikhiga ah.
Madaxweynaha ayaa yiri “ Xorreynta Ceelbuur iyo deegaannada kale, waxey ka dhigantahay gaaridda Galmudug ka caaggan argagixisada diiddan nolosha aadanaha iyo horumarka. Waxaan xoogga saareynaa gaarsiinta adeegyada bulsho oo ay dhiig miiratadu ka hortaagneyd dadweynaha muddo dheer. Dowladda Galmudug waxay si dhaqsaho ula soo gaareysaa dadweynaha adeegyada aasaasiga u ah noloshada aadanaha, waxayna ugu baaqeysaa hey’adaha gargaarka, saaxiibbad caalamiga ah in ay u hawlgalaan gaarsiinta adeegyada bulshada.
Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa yiri “ Dadweynaha ku nool deegaanada laga eryay Khawaarijta halakeysay waxaan la wadaageynaa farxadda, waxaana ciidanka geesiyada ah ku ammaaneynaa in ay dadweynaha reynreynta iyo naacawda xorriyada la wadaageen, una soo dhaweeyeen oo ay u muujiyaan wanaagga dowladnimada. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dadweynaha iney ka qayb qaataan dhammeystirka aragagixisada, islamarkaana soo dhaweeyaan ciidamadda geesiyaasha iyo hay’adaha Dowladda.