Home Wararka Maanta Ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bariga Afrika oo uu war cusub kasoo...

Ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bariga Afrika oo uu war cusub kasoo kordhay

0

Xoghayaha guud ee Beesha Bariga Afrika (EAC), Peter Mathuki, ayaa sheegay in Soomaaliya ay tallaabo muhiim ah u qaadday noqoshada xubinta siddeedaad ee ururka.

Mra uu khudbad ka jeedinayay shir jaraa’id oo lagu qabtay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, ayaa madaxa EAC wuxuu sheegay in xukuumadda Muqdisho ay ka gudubtay wjaiga wada-xaajoodka, wuxuuna rajo ka muujiyay in sanadkan dhexdiisa ay Soomalaiya ku biiri doonto ururka.

Kulamo is daba joog ah ayaa lagu qabna doonaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Soomaaliyana waa mid ka mid ah ajandayaasha muhiimka ah.

“EAC wuxuu sameeyay howlgal xaiqijin ah oo lagu qiimeynayo sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay ku biiridda ururka warbixinta ayaana lala wadaagay dhammaanba dalalka saaxiibka la ah. Wada xaajoodyada oggolaanshaha waxay bilaabna doonaan 22-ka bishan ilaa 5-ta September,” ayuu yiri Dr Mathuki.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2012 codsatay ku biiridda ururka, kaddibna EAC ayaa bilaabay howlgalka xaqiijinta bishii January 25, 2023 si loo qiimeeyo sida ay diyaar ugu tahay.

Warbixinta kooxda xaqiijinta ayaa loo gudbiyay madada dalalka ururka kaddibna waxaa loo dhabba galay u kuur gelidda.

Ad
Previous articleLafta Gareen oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiyihii Degmada Baraawe kadib Dagaalkii Dhawaan Halkaas Ka Dhacay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Ka dhacay Magaalada Garowe