Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo fara-geliyay xiisad xooggan oo ka taagneyd degmad Baraawe, taasi oo salka ku haysay khilaaf ka dhex qarxay maamullada degmadaasi.
“Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Koonfur Galbeed markii tix-geliyay wada shaqeyn la’aanta Golaha Deegaanka Degmada iyo maam6lka degmada Baraawe, waxa uu ka qaaday Mudane Liibaan Abuukar Osman xilka Guddoomiyaha Degmada Baraawe,”
Sababta u weyn ee xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe iyo ku-xigaankiisa labaad ayay wasaaradda ku sheegtay wada shaqayn la’aanta golaha degaanka Baraawe iyo maamulka degmada Baraawe.
“Waxaa uu dhamaan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, kan degmada Baraawe iyo dhamaan laamaha amniga degmada Baraawe faraaya in ay fuliyaan dhaqan-gelinta wareegtadan,” ayaa sidoo kale lagu yiri warqadda xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe.
Tallaabadan ayaa imaneysa kadib markii golaha deegaanka degmada Baraawe ay dhawaan mooshin xil ka qaadis ka soo gudbiyeen guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa labaad.