Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Lix dhalinyaro ah oo lagu laayay duleedka Gaarisa

Wararkii Ugu Danbeeyey Lix dhalinyaro ah oo lagu laayay duleedka Gaarisa

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo lagu laayay dhalinyaro, kaas oo Arbacadii shalay ka dhacay duleedka magaalada Gaariga ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa yimid, kadib markii koox aan la garan heybtooda ay waddada u galeen gaari ay la socdeen dhalinyaro arday ah, kuna sii jeeday deegaanka lagu magacaabo Huluqo.

Xildhibaan Deeqow Maxamed Barrow oo laga soo doorto magaalada Gaarisa ayaa BBC-da uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay dhalinyaradaas la gala tegay baabuurka, kadibna toogasho lagu dilay.

Deeqow Maxamed Barrow ayaa xaqiijiyay in dhacdadaan lagu dilay ugu yaraan 6 qof oo uu ku jiro darawaalkii gaariga ku waday dhalinyarada la laayey.

“Sida aad ka war haysaaan waxaa Gaarisa ka dhacday arrin aad u qaab daran oo fool xun waxaa la weeraray gawaari u socdeen magaalada la dhaho Huluqo oo ilmo yar oo dhalinyaro ah ay ku jiraan gaari lagala baxay magagaalada Gaarisa agagaarkeeda lix qof ayay ahaayeen gaariga inta lagala baxay ayaa la toogtay” ayuu yiri Xildhibaan Deeqow.

Sidoo kale wuxuu beeniyay in arrintan ay salka ku heyso aano qabiil, wuxuuna tilmaamay inay tuhunsan yihiin in falkaasi ay geysatay koox shufto ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax aan hadda dhaheyno qabiil oo aan hubno ma lahan, ilaahbaa garan wixii dhacay iyo wixii dilay magaaladan waxay aheyd magaallo nabad-gelyo fiican oo Umadda badan oo Soomaali ah ay magaallo ka dhiganeysay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaanku.

Wuxuu intaasi ku daray “Niman aan u maleyneyno inay iska shufto yihiin ayaa dhibkaas geystay, maxaa yeelay dadka ay dileen waa ilmo”.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta xariiqay in weli uu socdo baaritaan, isla-markaana falkan loo soo xiray laba nin oo uu sheegay in lagu tuhmayo weerarkaasi.

“Sida ay sheegeen laba ninbey soo qabteen oo ay tuhunsan yihiin inay ka dambeeyeen arrintan, mise inay ku lug lahaayeen” ayuu mar kale yiri xildhibaan Deeqow Maxamed.

Inta badan Gaarisa iyo deegaanada kale ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhaca falal ammaan darri, waxaana usii dheer weerarada kooxda Al-Shabaab.
Ad
Previous articleSidee u dhacday geerida abwaan Jaamac Kadiye?
Next articleAlshabaab oo Qarax ku dilay Hooyo iyo canug yar oo ay wadatay