Home Wararka Maanta Sidee u dhacday geerida abwaan Jaamac Kadiye?

Sidee u dhacday geerida abwaan Jaamac Kadiye?

0

Allaha u naxariistee abwaan Jaamac Kadiye ayaa la sheegay in markii uu ku dhacay madfaca sababay geeridiisa uu marayay waddada labaad ee halbowlaha u ah magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, gaarahaanna wajahadda hore ee Hotel lagu magacaabo Ramadaan.

Abwaanka ayaa waxaa madfacaas ka soo gaaray dhaawac culus, kadibana waxaa loola cararay cusbitaalka guud ee magaalada, halkaa oo markiiba uu ku geeriyooday.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in abwaanku uu u socday dhanka masaajidka maadama xilliga wax dhaceen ay soo dhaweed salaadda Marqib.

Gaariga nooca “Noohada” loo yaqaanno ayuu watay kaligii ayuuna ahaa, waxaana la sheegay in badanaa isagu uu gacantiisa ku kaxeeysan jiray gaarigiisa.

Ad
Previous articleAbwaankii necbaa qurbaha ee ugu dambeyn dalkiisa uu madfacu ku dilay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Lix dhalinyaro ah oo lagu laayay duleedka Gaarisa