Home Wararka Maanta Ciidamo ka Qayb Qaadanaaya Xoraynta Ceelbuur oo Baxdo lagu soo Bandhigay(Sawiro)

Ciidamo ka Qayb Qaadanaaya Xoraynta Ceelbuur oo Baxdo lagu soo Bandhigay(Sawiro)

0

Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Fedraalka ah iyo Dawlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta kormeeray Ciidamada Difaaca Dadka deegaanka kuwaas oo isku diyaarinaya in ay ka qaybgalaan dagaalka Alshabaab looga xoreynayo dalka ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Masuuliyiintaan oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan {Joon} iyo xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Galmudug iyo maamulka degmada Baxdo ayaa ilaa afar goobood oo kala duwan ku booqday Ciidamada Shacabka deegaanka ee macawislayda kuwaas oo isku soo abaabulay ka qayb qaadashada dagaalka Alshabaab.

Masuuliyiinta ayaa Ciidamada ujeediyay dhiirigalin iyo dardaaran ku aaddaan halganka looga soo horjeedo Alshabaab.

Galmudug waxaa si xowli ah uga socda abaabulka bulshada oo qayb ka ah Dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda Alshabaab.

Ad
Previous articleWar DEG DEG AH:Alshabaab Doonaayay inuu Is Qarxiyo oo la Toogtay(Sawiro)
Next articleWararkii ugu dambeeyey dagaalka caasimadda Libya