Home Wararka Maanta Waa kuma Sarkaal Cabdisataar C/qaadir Ciise oo Mar Isku Sayay inuu Dilo...

Waa kuma Sarkaal Cabdisataar C/qaadir Ciise oo Mar Isku Sayay inuu Dilo Madaxweyne Xasan Shiikh Hadana Alshabaab Ugalay?

0

Cabdisataar C/qaadir Ciise wuxuu kooxda Alshabaab wuxuu  ka soo goostay 2020-kii, ka dib waxaa lagu xareeyay xerada dhaqan celinta Sarandi.

2021-kii Bishii April ayaa laga soo saaray xerada asaga iyo kuwa kale waxaana ay ka qayb galeen weeradii Madaxdii hore ee ka dhacay Hotelka Maa’ido kuwaas oo lagu Qaaday Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo Halkaas ku sugnaa iyo Degmada kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka Duufaan oo markaas lagu daray Cabdisaar, waxaa toos amar u siinayay Kulane Jiis oo Madax ka ahaa NISA.

Ugu danbayn Cabdisataar hadda kooxda Alshabaab ayuu ku laabtay, waxaana raadinaya ciidanka amaaanka oo Maantay Markii Ugu Horaysay Baafiyay.

Dowlada Soomaaliya ayaa Shaacisay Inay Xirtay Ku dhawaad 10 Sarkaal oo ka Tirsanaa Ciidanka Dowlada Balse Si Hoose Alshabaab ula Shaqaynaayay.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise oonKa Tirsanaa Saraakiisha Sarsare ee Duufaan oo Alshabaab u Baxsaday
Next article$20,000 ayuu ku bixiyey inuu Eey noqdo, haddaba muxuu iminka yahay, ma eey mise niin?