Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH:Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise oonKa Tirsanaa Saraakiisha Sarsare ee Duufaan...

WAR DEG DEG AH:Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise oonKa Tirsanaa Saraakiisha Sarsare ee Duufaan oo Alshabaab u Baxsaday

0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 10 qof oo basaasiin ah, kuwaas oo la shaqey jiray Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in dadkaan ay qabatay hey’adda NISA, waxaana baxsaday laba nin oo ka tirsanaa hey’adaha amniga, kuwaas oo hadda la ogaaday inay la shaqey jireen Al-Shabaab.

“Hey’adda NISA oo beegsatay basaasiinta ku dhex abuuran hey’adaha kala duwan ee dowladda ayaa ku guuleysatay inay qabato 10 qof oo gacan saar la lahaa Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Wuxuu sheegay in baaritaanka lagu soo qabtay raggaan uu ka dhashay in la ogaaday inay jiraan dad Al-Shabaab u gudbiya xogaha dowladda.

“In xogtaas la helay waxay suuta gelisay in NISA ay gudato waajibaadkeeda, isla markaan ay gacanta ku soo dhigto 10-kaan qof ee hadda xiran,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay inay jiraan rag ka tirsanaa ciidamada amniga oo basaasiin u ahaa Al-Shabaab, kuwaas oo hadda baxsaday, wasiirka ayaa sheegay magacyada laba nin oo kala ah Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali.

“Waxaa lagu war gelinayaa shacabka iyo hey’daha dowladda in aysan la macaamilin xubnahaan oo lagu daba-jiro,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale shacabka ka dalbaday inay hey’adaha amniga ku soo war-geliyaan hadii ay helaan xogta xubnahaan lagu daba jiro ee horay uga tirsanaa hey’adaha amniga ee dowladda, hadana u goostay Al-Shabaab.

“Waxaa DF Soomaaliyeed ka go’an inay ahmiyad siiso amniga, gaar ahaan ilaalinta xogta hey’adaha dowladda iyo sirta ciidamada qaranka ee howlagallada ku jira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac.

Ad
Previous articleJacaylkii Daraamandar iyo Hema Malini ku jiiday inay Islaamaan iyo qisada ku duugan
Next articleWaa kuma Sarkaal Cabdisataar C/qaadir Ciise oo Mar Isku Sayay inuu Dilo Madaxweyne Xasan Shiikh Hadana Alshabaab Ugalay?