Home Wararka Maanta Jacaylkii Daraamandar iyo Hema Malini ku jiiday inay Islaamaan iyo qisada ku...

Jacaylkii Daraamandar iyo Hema Malini ku jiiday inay Islaamaan iyo qisada ku duugan

0

Daraamatar (Dharam Singh Deol) iyo Hema Malini waxay markii ugu horreysay ku kulmeen halkii lagu duubayay filimka Tum Haseen Main Jawan sanadkii 1970kii.

Filimkan oo magaciisu noqonayo’Waad qurux badan tahay, Annigu na waan da’a yar baan ahay’ayaa markale dib loo duubay sanadkii 1999kii. Daraamatar iyo Hema labaduba waxay ahaayeen xiddigaha filimka hormuudka u ah, halkaas ayuu jaceylkooda ka bilowday inta ay socotay duubista filimka, jaceylkaas oo u horseeday inay Islaamnimo isku guursadaan.

Dad yar ayaa ogsoon in labada jilaa ee caanka ah ee u dhashay Hindiya, (Dharmendra) Daraamandar iyo Hema Malini ay soo islaameen muddo 44 sano laga joogo. Sababta ay u islaameen ayaa waxay ahayd jacayl xad dhaaf ah oo dhex maray labadaas jilaa.

Taageerayaashooda ayey ka yaabsadeen markii 1979 ay labadoodaba qateen diinta Islaamka si ay jacaylkooda uga guul-gaaraan oo isu guursadaan. Jacaylkaas ayaa soo billowday markii ay wada sameeyeen filimka ‘Sholay’ ee la soo bandhigay 1975kii.

Daraamandar horeba xaasle ayuu u ahaa, laakin maadaama uu jeclaaday Hema Malini, diinta Hinduugana aysan ogolayn in ninku uu laba xaas yeesho ayey ku heshiiyeen inay islaamaan, ka dibna is guursadaan. Laakiin se waxaa iyana meesha ku jirta Prakash kaur oo Daramandar uu ku qabay diinta Hinduuga. Waxay u dhashay afar carruur ah. Halkaas ayay ka arkeen inay ka faa’iideystaan sharciga Islaamka ee u oggolaanaya ragga muslimiinta inay guursadaan afar xaas.

21 Agoosto 1979 ayey si rasmi ah u islaameen, waxayna qaateen magacyada kala ah Aisha Bi R Chakravarty iyo Dilawar Khan Kewal Krishn.

Waxay is guursadeen 1980 ayagoo Muslim ah. Hema Malini waxay u dhashay Daraamandar ilmihii ugu horreeyey taasoo ahayd Esha oo dhalatay 2 November 1981, waxaana ku xigay Ahana oo dhalatay 2 Luulyo 1985. Labada gabdhoodba waa jilayaal

Hema Malini iyo Daraamandar marnaba qaadashada diinta Islaamka kalama aysan hadlin warbaahinta, waxaase arrintaas laga war helay markii uu Daraamandar tartanka u galay doorasho ka dhacaysay deegaanka Lok Sabha, xilligaas oo uu ka tirsanaa xibiga Hinduuga ee BJP. 2004 – 2009 ayuu deegaankaas ku matalayey baarlamaanka.

Foomka ayuu ku qoray magaciisa islaamka, halka uu xaaskiisana u qoray magaceeda islaamka. Mucaaradad ayuu kala kulmay arrintaas, laakinse wuxuu dafiray inuu diinta islaamka qaatay. Sidaas loogama harin ee wargays ka soo baxa Delhi oo la yiraahdo Outlook India ayaa daabacay warqadda nikaaxa ee uu ku mehersaday Hema Malini. Laakiin warbaahinta Hindiya kama aysan helin faahfaahin dheeraad ah sida ay labadan jilaa ee loogu jeclaa aflaanta Hindiya xilligoodii ay ku islaameen, halka shahaadada loogu qabtay iyo cidda u qabatay midna.

Daraamandar iminka waa 87 jir. 1937 – 1947 wuxuu isku haystay labada dhalasho ee Britain iyo India, laakinse 1947 ilaa maanta wuxuu haystaa dhalashada Hindiya oo kaliya.

Jilliinka filimada iyo siyaasadda marka laga soo tago, wuxuu Daraamandar mar noqday mid ka mid ah xaakimiinta barnaamijka India’s got talent, xilligaas oo ahayd 2011.

Carruurta uu awoowaha u yahay ayaa iminka jilliinka qayb ka ah. Karan Deol oo uu dhalay wiilkiisa Sunny Deol ayaa filinkiisii ugu horreeyey sameeyey, kaasoo la sii daayey 20 September 2019. FIlimkaas waxaa la yiraahdaa Pal Pal Dil Ke Paas.

Hema Malini ayadana waa 74 jir, waxaana taariikhdeeda jilliinka marka laga yimaado ay muddo ku jirtay siyaasadda.

Waxaa loo arkaa Hema Malini in ay ka mid tahay dumarka ugu caansan aflaamta Hindiga, waxayna ahayd gabadha jilaaga ah ee ugu mushaarka badnayd 70meeyadii iyo 80meeyadii.

Hantideeda iyo tan Daraamandar marka la isu daro waxaa lagu qiyaasaa inay ka badan tahay 100 Malyan oo Doollar.

Ad
Previous articleKenya oo Latimid Qorshe Dowlada Soomaaliya Alshabaab uga Adkaatay
Next articleWAR DEG DEG AH:Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise oonKa Tirsanaa Saraakiisha Sarsare ee Duufaan oo Alshabaab u Baxsaday