Madaxweynaha Hiiraan State ahaana Gudoomiyihii Hore ee Hiiraan Mudane Cali Jayte Cismaan ayaa Faahfaahin Ka Bixiyay Waxa Ay isku Hayaan Asaga Iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe
Cali Jayte oo Warbaahinta Lahadlay Ayaa Sheegay inay Cali Guudlaawe isku Khilaafeen Dagaalkii uu Ku Qaaday Alshabaab oo Hiraan Inta Badan uga Saaaray.
Xali jayte ayaa Yiri “Cali Guudlaawe Raali kama Ahayn weerarkii aan ku Qaadnay Alshabaab ugana Saarbay Meelo badan Taas Waxaa Cadayn u ah kama Uusan Hadlin Guulihii aan Gaarnay Taas oo uu Markii Danbe Ku Qasbanaaday inuu Ka Hadlo”
Waxa uuna Sheegay inay Isku Qabteen Hormarka Shacabka Hiiraan ee aysan Wax kale isku hayn.
Cali jayte ayaa Hada Haysta Ciidamo Farabadan oo Macawislay ah kuwaas oo ka Taliya inta badan Hiiraan.
Cabasho Xoogan ayaa La Tagaan Hiiraan oo Laba maamul Haatan ka Taliyaaan taas oo kala Qaada Laba Canshuur oo kala Madaxbanaan.