Shirkii Madaxweynaha DFS iyo madaxdii hore ayaa kusoo dhamaaday Muqdisho, goor dhaw iyadoo doodaha waa weyn ee dhinacyadu ay soo jeediyeen ay wali kala taagan yihiin.
1- Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa kuqanciyey xubnaha heshiiskii Madasha Wadatashiga diidanaa, in uusan Mudo kororsi u soconin, oo uu dhawaan cadeyn doono, Dawlad gobaleedyadana aan waxba isaga ka khuseynin.
2- Sidaas oo kale Villa Somalia, ayaa ku guuleysatay in aan lasoo saarin warmurtiyeed lagu qeexayo, wixii kasoo baxay madasha wada hadalka 2-da maalmood, Xassan ayaa dood kasoo celiyey sharciyada warmurtiyeed ee lasoo saari karro, maadaama xubnahan aysan hadda xilal heynin.
3- Dhammaan Madaxweyne Xassan ayaa ku adkeystay doonistiisa Doorasho qof iyo cod ah, In dalka loo wareejiyo Madaxweyne iyo Kuxigeen, lana tirtiro jagada Ra’iisulwasaaraha.
4- Balse taas bedelkeeda siyaasiinta dibada jooga ah ayaa qori doona warqad Talo-Soo jeedin ah oo loo dirayo golaha baarlamaanka 11-aad, kaas oo lahorgeynayo Heshiiskii madasha wadatashiga, iyadoo Xassan Sheekh ku adkeystay in heshiiska la gaaray Golaha baarlamaanka 11-aad hadda u gudbay oo halkaas looga doodayo.
5- Sida muuqata Villa Somalia, ayaa guul siyaasadeed kala hoyanaysa, shirkan oo socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay, maadaama xubnaha siyaasiinta diidanaa heshiiska aysan heynin maxsuul cad.