Kadib kulankii Sabtidii ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee uu buuqa hareeyay ayaa waxaa isa soo taraya guuxa ka dhex jira xildhibaanada Golaha ee ku aadan ‘inuu socdo mooshin culus’ oo ka dhan ah xukuumadda.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada Golaha Shacabka ay haatan dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kadib markii ay shirar ka bilaabeen halkaasi kuwaas oo ay hoggaaminayaan xubnaha mucaaradka ku ah dowladda.
Villa Soomaaliya oo arrintan ka duuleysa ayaa dhankeeda shalay ku guuleysatay inay baajiso kulan ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka waxayna ku qancisay gudoomiyaha Golaha Shacabka inuu dib u dhigo kulankan illaa inta laga gaarayo Arbacda.
Intaas kadib madaxa sare ee dalka ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan xildhibaanada Soomaaliyeed, si ay u kala furfuraan, loona qaboojiyo xiisadda hadda taagan.
Dhinaca kale, xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay dooda baarlamaanka, gaar ahaan wararka ku saabsan mooshinka.
Dalxa ayaa shaaca ka qaaday haddii xilligan xukuumadda laga keeno mooshin, lana rido ay ka dhalan doonto caqabad horleh, sida uu hadalka u dhigay.
“Mideeda kale xukuumadda mooshin laga wadaa, madaxweynaha laga wadaa, guddoonka laga wadaa waxaas haddii ay tahay arrin jirto waxay caqabad ku tahay horay u socodka dowladnimada” ayuu yiri xildhibaan hore Mudane Maxamed Cumar Dalxa.
Ugu dambeyn Dalxa ayaa farriin culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo uu ugu baaqay inuu cashir ka barto hoggaamintiisii hore oo lagu ridday saddex ra’iisul wasaare.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay Soomaaliya, taas oo ka dhalatay heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka.