Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gor Gor ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayeen deegaano hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.
Ciidanka ayaa howlgalka ka fuliyey degaanada Baraag Sheekh Caamir, Ceel-dhigtaar, Ceel-ciid iyo deegaano kale, Taliyaha ururka 9-aad ee Gor Gor Dhamme Cabdiwali Axmed Xuseen oo howlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta la hadlay.
Taliye Cabdiwali ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa baacsiga haraadiga kooxda Al-Shabaab iyo burburinta goobaha ay ku dhuumaaleystaan.
Taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso shacabka ku nool deegaanadaas oo lasoo wadaaga xogta Al-Shabaab-ka dhuumaaleysiga ah.
Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo joogto ah ka fuliya deegaanada ay sida dhuumaaleysiga ah ku yimaadaan Al-Shabaab, waxayna howlgalkaas kadib inta badan ciidanku dib ugu laabtaan fariisimahooda.
Dowladda Soomaaliya ayaa hadda qorsheyneysa inay laba jibaarto howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana maalmihii lasoo dhaafay furimaha loo diray ciidankii ugu badnaa.
Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay sarkaal sare oo hoggaaminayey kooxda Shabaab-ka ah oo lagu beegsaday degaanka Baraag-Ciise ee koonfurta gobolka Mudug, xubnaha Shabaab-ka ah ayaa xoolo ka uruursanayey dadka reer miyiga ah ee deegaankaas ku nool.