Home Wararka Maanta Ninkii Qur’aanka gubey oo ay lasoo deristey xaalad ciriiri nololeed ah (Maxaa...

Ninkii Qur’aanka gubey oo ay lasoo deristey xaalad ciriiri nololeed ah (Maxaa ku dhacay?)

0

Ninkii kitaabka gubey ee Salwan Momika oo ah 31-jir ayaa ka yimid dalka Ciraaq, kaasoo booliiska ka helay rukhsadda gubitaanka, weliba albaabka masjidka Stockholms ee ku yaalla Medborgarplatsen bartamaha Stockholm, ayaa haatan waxaa lasoo gudboonaatey xaalad adag.

“Waanu gubi doonaa Qur’aanka. Waxaan dhihi doonnaa: Iswiidhaneey ka kaca. Halkani waa dimoqraadiyad. Khatar bayna ku jirtaa haddii ay yiraahdaan sidan ma samayn kartaan”. ayaa ka mid ahaa erayo uu Salwaan iskaga iibinayey dadka Islaamka neceb oo uu yiri xilligaas.

Hasayeeshee, arrintaasi marka laga soo tago inay keentay nacayb Sweden looga qaaday dunida Muslimka, misna Salwan Momika ayaa wajahaya xaalad adag oo ”wejigaa gubay” ah.

Marka 1-aad waxaa laga gudbiyey dacwad ka kooban ugu yaraan laba xisaabood oo ay midi tahay inuu ku kacay fal nacayb ah bulsho ah iyo inuu ku xadgudbey xeerka ka degsan gubitaanka walxaha. Sweden ma laha xeer mamnuucaya in kitaab la gubo, balse waxaa mamnuuc ah in wax la iska gubo.

Tan kale, Salwan oo haatan ku sugan goob qarsoodi ah ayaa nolosha isku ciqaabay isagoo sheegay inuu guddoomey kumannaan farriimood oo hanjabaad iyo caay ah, taasoo keentay inuu bulshada ka dhuumaalaysto.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Arsenal taageera ee walaaca ka muujiyay in kooxda qarankiisa ay sixir adeegsadaan
Next articleAskari dil u geestay Haweeney oo lagu qabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)