Home Wararka Maanta Maamulka Puntland”Garoowe wax hub ah laguma dhex qaadan karo waa mamnuuc maanta...

Maamulka Puntland”Garoowe wax hub ah laguma dhex qaadan karo waa mamnuuc maanta laga bilaabo,”

0

waxaa xarunta dhexe Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ka dhacay shir looga hadlay amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Amniga Caasumadda Dowladda Puntland,.

waxaana intii shirku socday looga wada hadlay xaaladda Amniga Guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka Amniga Caasumadda oo baarlamaanku meelmariyey, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta Amniga Gudaha.

Shirka waxaa ka soo qaybglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Saleebaan Geelle, La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire, Taliyaha La dagaalanka Argaxisada iyo Mukhaadaraadka Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cabdiraxmaan Abshir Faarax, Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed iyo Duqa Caasumadda Mudane Cabdiqaadir Axmed Maxamuud.
Udambayntii masuuliyiintii ka qaybgalay shirka Amniga Puntland gaar ahaan Caasumadda ayaa isku raacay qodobada hoos ku xusan, iyadoona la faray in cidkasta oo ay qusayso ay fuliso awaamiirta ka soo baxday shirka Amniga:-

1. In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalooyinka Puntland, gaar ahaan caasumadda. dadka u xilsaaran amniga maahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaa Xeryahooda si loo kala garto askariga shaqaynaya iyo qofka qaswadaha ah.

2. In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarikada lahayn, ciddii lagu qabto iyada oo magaalada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taariko waa laqabanayaa waxaana la hor keenayaa sharciga.

3. In dadka wada kicinta, qaxinta iyo barakicinta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waantoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga.

4. In la joogteeyo lana dardargeliyo xoojinta la dagaalanka argagisada iyo mukhaadaraadka.

5. In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleBaarlamaanka Carabta oo war kasoo saaray masaajidkii ay gubeen Al-Shabaab
Next articleMadaxweynaha Arsenal taageera ee walaaca ka muujiyay in kooxda qarankiisa ay sixir adeegsadaan