Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay...

Cali Guudlaawe oo markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay xilka qaadista uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Cali Guudlaawe oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayaa si adag uga hadlay tallaabada uu qaaday Jeyte oo ku dhowaaqay maamulka ‘Hiiraan State”.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle aysan noqon karin maamul goboleedka kale, isla-markaana aysan aheyn xisbi la’isaga bixi karo marka loo baahdo.

“Waxaa xaqiiqaa dowlad goboleed kale noqon mee HirShabelle, mana ahan xisbi laga baxayo waa sida aad ugu dhalatay deegaankan waad ku jiree intaad nooshahay qaybtaada ka qaado annagana waxaan ballan qaadeynaa inaan u nuglaano talo kasta oo naloo keeno” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay in loo baahan yahay in qofka haya mas’uuliyadda muddada uu joogo xafiiska lala shaqeeyo, haddii xilka laga qaadana lasoo dhaweeyo midka cusub.

“U dhalashada HirShabelle ahaashadeedu ma aha waxa dhamaanaayo, laakiin qof kasta oo mas’uuliyad haayo muddo kooban ayey leedahaye ee halagula shaqeeyo muddadaas, midka beri imaanaayana loola shaqeeyo waxay u dan tahay danta iyo degaanka” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ku dadaali doono sidii looga gudbi lahaa in guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka lagu soo magacaabo digreeto, isla-markaana qorshahooda uu yahay in bulshada ay soo doortaan hoggaankooda.

“Guud ahaan degmooyinka HirShabelle dad la magacaabay oo digreeto kusoo baxay ayaa maamulo wixii hadda ka dambeeya dad ay bulshadu soo dooratay inuu hoggaamiyo ayaa naga go’an” ayuu  mar kale hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in guul weyn laga gaaray howlgallada ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in deegaanada la xoreeyay ay gaarsiiyeen adeegyada muhiimka ah nolosha aas aasiga ah, si bulshada loo taageero.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleNin afartan sano la raadinayay oo la soo qabtay iyo sida uu uga badbaaday in la soo xiro
Next articleCali Jeyte oo Masuuliyiin cusub Magacaabay, Hiiraana u qeybiyey labo gobol