Faah-faahino dheeraad ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka waaberigii hore ka dgacay deegaanka Daaru-Nicma ee hoostaga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda oo dhinac ah iyo dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma, halkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay dagaal xoogan oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay