Home Wararka Maanta Morocco oo jawaab adag ka bixisay Kitaabka Qur’aanka ee lagu gubay bartamaha...

Morocco oo jawaab adag ka bixisay Kitaabka Qur’aanka ee lagu gubay bartamaha Stockholm

0

Marooko ayaa u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay dalka Sweden, iyadoo uu maqnaan doono muddo aan la cayimin.

Arrintan ayaa daba socota falkii uu ninka kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ku jeexjeexay dabna ku qabadsiiyay bannaanka masaajid ku yaalla bartamaha Stockholm, warkaasina waxaa faafisay wakaaladda wararka ee dawladda Marooko.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Morocco ayaa sidoo kale Arbacadii shalay u yeertay safiirka safaaradda Sweden ee Rabat, ayadoo u muujisay sida daran ee ay boqortooyada Marooko u canbaareyneyso weerarkan una diidan tahay falkaasi aan la aqbali karin” sida ay wakaaladda wararku ku tiri qoraalka ay faafisay.

Dhacdadan lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayaa halis gelineysa inay ka careysiiso Turkiga oo diidan codsiga ay Sweden ku dooneyso in ay xubin kaga noqoto gaashaanbuurta NATO, maadaama booliiska Sweden ay oggolaanshiyo siiyeen in la qabto mudaaharaadka lagu gubay kitaabka.

Booliiska ayaa markii dambe ninkan kusoo oogay dacwad ah inuu ku kacay fal ka dhan ah qowmiyad ama kooxo gaar ah.

Mudaaharaadyo is daba joog ah oo ka dhacay Sweden oo looga soo horjeedo Islaamka, laguna doonayo xuquuqda Kurdiyiinta ayaa ka careysiiyay Ankara, iyadoo Sweden ay u baahan tahay taageerada Ankara si ay uga mid noqoto xulufada NATO.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSoomaaliya ‘oo ogolaatay’ inay ka qeyb-gasho kulanka Madasha Negev ee Israel
Next articleWeerar dhimasho sababay oo lagu qaaday Qunsulliyada Maraykanka ku leeyahay Jeddah