Home Wararka Maanta Shiinaha oo ka hadlay colaadda Laascaanood iyo mowqifkiisa Somaliland

Shiinaha oo ka hadlay colaadda Laascaanood iyo mowqifkiisa Somaliland

0

Dawladda Shiinaha ayaa golaha ammaanka dhexdiisa kaga hadashay arrimaha Soomaaliya ka dib booqashadii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhan Jun oo si faahfaasan uga hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dagaalka Laascaanood.

“Dagaalka Laasacaanood ee u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanka waxaan ugu baaqeynaa dhammaan qeybaha dagaalka ku lugta leh inay degdeg xabadda u joojiyaan, ciidamadooda kala baxaan wadahadalna ay galaan” ayuu yiri.

Hore ayey saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya u cambaareeyeen dagaalka Laascaanood. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay “aad uga welwelsan yihiin” saameynta dadka rayidka ah kasoo gaareysa isku dhacyadan socday muddada.

Ad