Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed Sabtidii ka dhacay duleedka deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaaa agagaarka magaalada Afbarwaaqo.
Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo labada dhinac ah, sida ay Mudug24 u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaal culus oo foolka fool ah uu ka qarxay goobta, islamarkaana si weyn looga dareemay halkaasi
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa inay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka socdaan qaybo ka mid ah gobolka Mudug.
Gobolkan ayaa waxaa kusoo noq noqday, dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad ku wada sugan Mudug oo ay ka wada arrimayaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.
Dagaalkaan ayaa Waxa uu Dhaxeeyaa Beelaha Shiikhaal iyo dir oo Daris ah.