Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta dood ka yeeshay mooshinka muddo kordhinta madaxweynaha iyo labada aqal ee baarlamaanka oo la hor geeyey golaha.
Xildhibaano ka tirsan xisbiga madaxweynaha iyo kuwo la shaqeeya oo saaxiib la ah madaxda dowladda federaalka ayaa qeyb ka ah xubnaha sida adag u diiday in lagu dhaqaaqo muddo kororsi.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jeediyay in la laallo mooshinka maanta la hor geeyey golaha, isagoo sheegay inuu wiiqayo dagaalka ay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed kula jiraan Al-Shabaab.
“In muddo kordhin la sameysto dhibaatooyin badan ayaa naga soo maray, halis waxaa ku galay Madaxweynaha xafiiska fadhiya, nafteena ayaan ku siganay inaan ku weyno,” ayuu maanta golaha ka yiri Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame.
Xildhibaano ay ku jiraan Cabdiraxmaan Cagaweyne, Cabdifitaax Qaasim iyo Khadiija Diiriye ayaa ayaguna ku dooday in mooshinkaan uu muhiim u yahay qorshaha dalka lagu gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah.
Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa soo jeediyey in mooshinkaan la aqbalo, laakiin lagu cadeeyo in muddo xileedka shanta sano noqonaya uu bilowdo markii lasoo doorto madaxweynaha iyo baarlamaanka bedelaya kan hadda jira.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri, “Hal sano oo aan ku darsano yaanaan ku fekerine aan xoogga saarno inaan wax muuqda qabano seddaxda sano ee noo hartay.”
Xildhibaan Xasan Firinbi ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii maanta sida adag u diiday muddo kororsiga “Mooshinkaan wax ka badalka iyo kabista dastuurka lagu sheegay ma ahan mid sharci ah, mana aqbali karno muddo kororsi iyo jaha wareer dambe,” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.