Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka xoogag ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaal deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal culus uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo ka baxsan deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.
Dhinaca kale war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen xerada la weeraray, isla-markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada deganaa saldhiggaasi.
Dhankooda saraakiil u hadashay dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay fashiliyeen dagaalka ay soo qaaday kooxda oo ku bilowday qarax culus.
Labo maalin kahor ayay aheyd markii dagaal qaraar oo jlibka la’isku dhigtay oo ka dhacay deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kadib markii ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.