Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ka xoreeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Baay ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada huwanta ee is-garabsanaya ay weli xubnaha kooxda ee laga saaray deegaanadaasi ay kusii baacsanayaan dhulka howdka ah.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwaa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan gobolada dalka ka wada howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo howl-gallada ay markale si dardar leh uga socdaan qeybo badan oo dalka.
“Waxay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan deegaanka Ceel Axmed, deegaanka Ceel Saban Sablaale, deegaanka Ceel Cali Xasan, deegaanadaasi waa deegaano ceel biyoodyo leh, dhul daaqsimeed leh oo cadowga ay ka talinayeen,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta la hadlay warbaahinta.
Si kastaba, Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howl-gallada ay ciidamada huwanta ka wadaan qeybo kamid ah dalka, iyada oo si hordhac ah u billowday wejiga labaad ee dagaalka, oo la filayo inay qeyb ka noqdaan ciidan ka socda dalalka deriska.