Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Digniin Culus soo saartay Digniin Culus ku...

Dowlada Soomaaliya oo Digniin Culus soo saartay Digniin Culus ku wajahan 9 gobol

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobolada dalka ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba.

Qoraal kasoo baxay hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxaa lagu sheegay in degmooyin kamid ah gobalada Bakool, Galgaduud iyo Jubbada Hoose ay asbuucan ka da’i doonaan sida saadaaashu sheegayso roobab cabirkoodu gaarayo illaa 100mm.

“7-da casho ee soo socota oo ah asbuuca afaraad ee bisha Maarso 2023-ka waxay saadaashu roobka xilliga Gu’gu muujinaysaa in roobaab fiican ay ka di’i doonaan qaar kamid ah gobollada dalka sida gobolada Waqooyi-Galbeed, Sool, Bari, Bakool iyo Galgaduud ayaa sida saadaashu sheegayso waxay heli doonaan roobab fiican oo cabirkoodu gaarayo 30 illaa 40 (mm),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA.

Hay’adda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in degmooyin kamid ah gobolada Sanaag, Bay, Jubbada Hoose, Gedo iyo Hiiraan ay heli doonaan roobab aan badneyn oo qiyaastii cabirkoodu yahay inta u dhaxeysa 5 illaa 10mm, sida ay muujineyso saadaashu.

“Haddii roobka la filayo toddobaadkan ay u da’aan sida saadaashu sheegeyso waxay geysan karaan khasaare ka dhasha fatahaado iyo daadad saameya naf iyo maalba,” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday SODMA.

Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka xarunteeda ka-digista halis-wadareedka ayaa waxay uga digtay bulshada ku nool gobolada kor ku xusan in ay ka feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidooda, ayna ka fogaadaan inay ku socdaan ama biyo u doontaan togaga biyo marayaan xilliga roobku da’ayaan.

“Bulshooyinka miyiga degan waxaa talo lagu siinayaa inay ka taxadaraan biyaha ugu horeeya ee uu roobku dhigo, sababtoo ah waxaa ka dhalan kara cuduro, sidaas darteed waa in la ilaaliyaa nadaafada iyo faya-dhawrka.”

Qoraalka kasoo baxay hay’adda SODMA ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri “Dadka ku nool gobolada Bakool, Galgaduud iyo Jubbada Hoose waxaa loo soo jeedinayaa in meel okor fiican leh ay geeyaan xoolaha jilicsan, si ay uga badbaadan saameynta ka dhalan karta biyaha roobabka xoogan ee la saadaalinayo.”

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMaraykanka oo Hal arin u Balanqaaday Dowlada Soomaaliya oo Mudo ku Taamaysay
Next articleAlshabaab weerar kusoo ahaa Ciidamada Dowlada oo ayagii weerar lagu Qaaday iyo dagaal Culus oo dhacay