Home Wararka Maanta Sacuudiga oo shaaciyey maalinta koowaad ee Ramadan

Sacuudiga oo shaaciyey maalinta koowaad ee Ramadan

0

Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd ku dhawaaqday in maalinta Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Sacuudiga ayaa sheegay in bisha aan la arkin kadib markii la baaray, sida lagu yiri bayaan kooban oo goordhoweyd soo baxay.

“Bisha Ramadaan lagama arkin Sacuudiga maanta, sidaas darteed Khamiista 23-ka March 2023 waxay noqon doontaa maalinta koowaad ee Ramadaan.”

Guddiga culimada ee u qaabilsan Boqortooyada Sacuudiga xaqiijinta bisha Ramadaan ayaa sidoo kale sheegay in habeen dambe la bilaabi doono dukashada salaada taraawiixda.

“Salaada Taraawiixda ayaa si toos ah uga bilaaban doonta Labada Masjid ee Xaramka kadib Salaadii Cishaha ee habeen dambe.”

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaan wali war kasoo saarin curashada bisha Ramadaan, waxaana loo badinayaa in wasaaradda ku dhawaaqdo in Khamiista ay soon tahay.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleBooliska Mareykanka oo heegan la geliyey xilli la filayo in Trump la xiro
Next articleMadaxweyne Xasan oo saxiixay guddiga madaxa-bannaan ee dib-ueegista iyo hirgelinta dastuurka