Home Wararka Maanta Booliska Mareykanka oo heegan la geliyey xilli la filayo in Trump la...

Booliska Mareykanka oo heegan la geliyey xilli la filayo in Trump la xiro

0

Booliska ku sugan magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka ayaa isu diyaarinaya sidi ay uga hortagi lahaayeen rabshadaha dhici kara haddii ay dhacdo in la xiro madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Maamullada magaalooyinka New York, Washington DC iyo Los Angeles ayaa howlgeliyey ciidamadooda ammaanka suga.

Dacwad oogaha Manhattan ayaa laga yaabaa inuu Mr Trump ku soo oogo dacwad ah inuu lacag siiyey haweeney jisha filimaanta galmada si ay uga aamusto arrinka Trump lagu eedeeyay.

Waana kiiskii ugu horreeyey oo ka dhan ah madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

Isniintii afaafka hore ee maxkamadda dembiyada ee Manhatan waxaa lagu diyaariyey goob la filayo dacwadda Trump lagu qaado isla markaana faraha iyo sawirrana looga qaado haddii toddobaadkan dacwadda lagu soo oogay, iyada oo warbaahinta dalkaasina ay arrintaa si weyn u saadaalinayaan.

Sida oo kale ciidamo booliis ah oo tira badan ayaa la geeyey bannaanka dhismaha Trump Tower.

Xubnaha booliska magaalada ee NYPD iyo Booliska dharcadka ah waxaa lagu amray iney maalinta Talaadada soo xirtaan dareeska booliska caadiga ah heeganna ay galaan.

Booliska ka hortagga argagaixisda ee NYPD iyo FBI-da ka kooban waxay xiriir toos ah la sameeynayaan sirdoonka dalkaasi oo ay shaqadooda tahay ilaalada madaxweynaha hadda jooga iyo madaxweynayaashii hore haddii loo baahdana xarigga lagama maarmaanka ah sameeya.

Dhismaha Capital Hill ee ku yaalla magaalada Washington DC waxaa la geeyey ciidamo tiro badan.

Ciidamada ammaanka dalka Mareykanka oo dhan laga howl geliyey oo heeganka ku jiray ayey dowladdu sheegtay ujeedkoodu inuusan ahayn iney dhibaato geystaan balse ay tahay in ka hortagaan dhibaatooyinka dhici kara.

Wargeys LA Times wuxuu sheegay booliska gobolka iyo ciidamada ammaanka federaalka in laga howl geliyey dhammaan dhsiamayaasha dowladda si ay uga hortagaan bannaanbaxyo lagu taageerayo Trump ee dhici kara.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa Isiintii sheegay in uu filayo in la xiri doono Talaadada laguna soo oogaya dacwad ku saabsan lacag laaluush ah oo isaga laga siiyey haweenay ahayd kuwa jirkooda ka ganacsada oo lagu eedeeyay inuu gogol dhaaf la sameeyay.

Trump ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay ka muddaharaadaan tallaabadaas, qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay mareegta bulshada ee Truth.

Mid ka mid ah qareennada Trump ayaa shegay in sheegashadiisu ku saleysan tahay warbixinno saxaafadeed oo muujinaya in ay suurtagal tahay in toddobaadka soo socda la qabto.

“Uma dulqaadaneyno isku day kasta oo lagu doonayo in lagu waxyeelleeyo xafiiskannaga ama sarreynta sharciga magaalada New York,” ayuu yiri dacwad oogaha dowladda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey dilka Loogaystay Nabadoon Muumin Giriig oo Muqdisho lagu dilay
Next articleSacuudiga oo shaaciyey maalinta koowaad ee Ramadan