Home Wararka Maanta Faahfaahin; Alshabaab iyo Daacish oo Dagaal Culus Ka Dhex Qarxay

Faahfaahin; Alshabaab iyo Daacish oo Dagaal Culus Ka Dhex Qarxay

0

Dagaalo ayaa la sheegayaa in labadii cisho ee la soo dhaafay ay ka socdeen degaano buuraley ah oo ka tirsan gobolka Bari ee degaanada Puntland, iyadoo dagaaladan ay dhexmarayaan xoogag kala taabacsan Al-shabaab iyo Daacish oo halkaas ku wada sugan.

Saraakiil ka tirsan kuwa amniga Puntland iyo goob joogayaal kale ayaa ku waramaya in dagaalkan uu ka socdo dhowr meelood oo ay ka mid yihiin togaga Dadamale iyo degaano hoos taga degmada Balidhidin.

Dhulka lagu dagaalamayo ayaa la sheegay inuu yahay Buuraley qarfo ah, waxaana illaa shalay, xalay iyo saaka laga maqlayaa qaraxyo iyo rasaas culus oo la isweydaarsanayo.

Waxaa aad u adag in la ogaado khasaaraha nafeed ee kala gaaray labada dhinac, iyadoo isgaarsiinta degaankaas ay liidato, masuuliyiinta maamulka Puntland ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dagaalkan.

Labada kooxood ayaa siyaabo kala gooni ah dagaal adag ugula jira dowlada Somalia, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga.

Inkastoo aan la ogeyn sababta dhalisay dagaalkan u dambeeyey haddana waxaa la ogyahay in labada kooxood oo wada sheegta iney islaamiyiin ay muddo badan ka dhexeysay colaad soo laalaabatay, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in labada dhinac ay maalmahanba ku jireen diyaar dagaal.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleHooyo Rihana Omar oo lagu celiyey Sweden ka dib markii laga tarxiilay Dhawaan
Next articleAl-Shabaab oo baahisay muuqaalka nin Ajnabi ah oo isku qarxiyay Soomaaliya