Home Wararka Maanta Alshabaab oo Saakay aroortii Qaraxyo ku Weeraray Guriga Taliye Cabdiraxman Cali Waqooyi...

Alshabaab oo Saakay aroortii Qaraxyo ku Weeraray Guriga Taliye Cabdiraxman Cali Waqooyi iyo Khasaaro ka dhashay

0

Labo qarax ayaa saaka waaberigii lagu weeraray Hoyga uu degan yahay taliyaha Nabad sugida degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho

Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday miinooyin lagu xiray gurigan oo ku yaalla xaafada Seben Seben ee degmada Dayniile, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo burbur.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Mudug24 u sheegay in qaraxyadan ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen taliyaha nabad sugida Dayniile Cabdiraxman Cali Waqooyi (Seedi Xume), taliyihii hore ee NISA Dayniile  Omar Abdi Fidow  iyo askari ilaalo u ahaa.

Firirka qaraxyada ayaa sidoo kale  la sheegay in waxyeelo kasoo gaareen dad kale oo shacab ah oo ka ag dhawaa guriga taliyeyaasha ee saaka qaraxyada lagu weeraray.

Ciidamo isugu jira booliis iyo nabad sugid ayaa gaaray goobta qaraxyadu ka dhaceen, waxayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan qaraxyadan oo la aaminsan yahay iney ka dambeysay kooxda Al-shabaab.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Kahor Bisha Ramadaan Laga Saraayo Deeganada Galmudug iyo Qorshe culus oo la Dajiyay
Next articleHooyo Rihana Omar oo lagu celiyey Sweden ka dib markii laga tarxiilay Dhawaan