Home Wararka Maanta Waa Maxay Talaabada Xisbiga madaxweyne Muuse Biixi uu qaaday ee dad badan...

Waa Maxay Talaabada Xisbiga madaxweyne Muuse Biixi uu qaaday ee dad badan ‘fajaciso ku noqotay’?

0

Kulmiye ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa billaabay in uu xisbiga banaanka ka dhigo siyaasiyiinta ka tirsanaa ee ka horyimaada rabitaanka hoggaaminta Muuse Biixi.

Hoggaanka Xisbiga ayaa maanta oo u dambeysay xisbiga ka caydhiyay siyaasi Axmed Muumin Seed oo ahaa xubin sare oo ka tirsan guddiga fulinta, kadib markii ka horyimid banaanbax “damiir xumo ah” oo ka dhacay magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu taageerayay waxa ka socda magaalada Laascaanood.

“Axmed Muumin Seed waxa uu lumiyay xubinimadii guddiga fulinta iyo ka mid ahaanshihii xisbiga Kulmiye kadib markii uu ku xad-gubay shuruucdii xisbiga,” ayuu yiri Afhayeenka xisbiga Kulmiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

“Waxaa la go’aamiyay in xubinimadii guddiga fulinta ee Axmed Muumin Seed uu ahaa inuu buuxiyo Xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye oo kamid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland.”

Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa qoraal uu soo saaray laba maalin kahor ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xukuumadda Somaliland ay dabaal-degyo ku qabato magaalooyinka, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “in la micno yihiin wiirsi iyo wax-fool-xun oo dagaalka Laascaanood xalkiisa fogaynaya.”

Xukuumadda Somaliland ayaa maalmo kahor soo abaabushay banaanbaxyo lagu bixiyay dhaqaale badan oo ka dhacay magaalada Hargeysa iyo Burco, kuwaasi oo lagu taageerayay ciidamada Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa deegaanka ee SSC.

Tallaabadan uu qaaday xisbiga Kulmiye ee xubin sare oo ka tirsan xisbiga uga caydhiyay kadib markii uu taageeri waayay banaanbaxaasi ayaa fajaciso ku noqotay dad badan, ayada oo xisbigaan uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi oo isagu dhowr jeer sheegay in xiisadda Laascaanood ay xukuumadiisu ku wajaheyso jawi nabdoon iyo wada-hadal.

Ad
Previous articleWaddan Dhan argagixisada kula dagaallama geela
Next articleNin xulufo la ah Xi Jinping oo loo dhaariyey ra’iisal wasaaraha Shiinaha