Home Wararka Maanta Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab oo Maantay Dagaal Culus Ku Dhexmaray Mudug

Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab oo Maantay Dagaal Culus Ku Dhexmaray Mudug

0

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa daraawiishta Galmudug ayaa weerar culus ku qaaday goob la sheegay in ay isku aruursanayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo dhaca degaanka Qeycad ee gobolka Mudug.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada huwanta ah iyo kooxda Al Shabaab ayaa ka dhacay goobta la weeraray, waxaana wararku sheegayaan in wali halkaasi laga maqlayo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayaan.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in  Al Shabaab dagaalka ku gaarsiiyeen khasaaro xooggan, waxa ayna sheegeen in wali sii baacsanayaan firxadka dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka ku ekeeyeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa darawaiishta Galmudug ayaa horey ula wareegay deegaanka Qeycad oo fariisin u aheyd Al Shabaab, waxa ayna ciidanka wali deegaannada ay Shabaab ka joogaan gobolka Mudug ka wadaan howlgalo ka dhan ah kooxdaasi.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSweden Gabar 11 Sano jir ah oo is dishay kadib Dayac ay kala kulantay Dhaqaatiirta Cilminafsiyeedka
Next articleTuugo hubeesan iyo telfoono ay dhaceen oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)