Home Wararka Maanta P.M Xamse oo kulan deg deg la qaatay laamaha Amniga & Akoono...

P.M Xamse oo kulan deg deg la qaatay laamaha Amniga & Akoono cusub oo Alshabaab laga xiray (Sawirro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka.

Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada lagu ciribtirayo al-shabaab iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maalgelinta argagixisada, iyadoo sheegtay in la xiray Akoonno bangi ee hor leh oo ay adeegsan jireen kooxaha loogu yeeray argagixisada ah, taasoo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaallamo al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku  tiirsan tahay. sida uu yiri, Waxuuna faray dhammaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed ee (FRC).

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleXildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Hay’adda NISA iyo NISA oo war Kasoo saartay Talaabadaas
Next articleDhul gariirkii labaad ee isla maanta oo ku dhuftay Turkiga